858 Views

AKHRISO: Hadalladii ugu muhiimsanaa ee ay jeediyeen Shanta Madaxweyne dowlad goboleed

AKHRISO: Hadalladii ugu muhiimsanaa ee ay jeediyeen Shanta Madaxweyne dowlad goboleed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 11  2020Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

“Ujeeddada gogosha aan dhignay caasimadda Galmudug, waxaa ay tahay, in xal rasmi ah laga gaaro, xalka doorashooyinka Qaran ee innagu soo food leh”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

“Shirkan, waa shaqo loo qabanayo Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxay ka hadlayaan waa howlo ay idiin qabanayaan oo ay shaqadooda idiin qabanayaa, Dalka doorashadiisu ay dhacdo waqtigeeda, dalkuna uu marxalad 2aad ugu gudbo, mida quruxda badan ee qof iyo cod aan gaari doonaa, maanta ma bilna suuragal maaha, wixii an ka badin weyno aan ka tashano oo aan aqbalno, wixii aan kari karno aan iimaansano, waxaan ku rajo-weynahay in sida Beesha Caalamku nala jecel yahay aan gaari doono”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed.

“Waxaan ka tashaneynaa Doorasho sidii loo wadaagi lahaa, marxalada maanta taal ee kala guurka ah sidii looga gudbi lahaa, waa wax mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ku xiran, waa wax dowladda Federaalka ee aan xubnaha ka nahay dan u ah wax aan ka shaqeyneyno waa wixii nidaamka Federaalka inoo ogolaa”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

“Dowlad Goboleedyada waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, xaqna u leh inay tashadaan, dowladda federaalka mas’uuliyiintoodana talada ayaa ka dhaxeysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ee la gaarayo mid laga wada tasho oo la isu yimaado oo la isla qaato meesha la is leeyahay wey gaari kartaa”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Waare ayaa noqday Shaqsigii ugu horeeyay ee soo hadal qaaday Maqaamka Muqdisho ka dib markii uu sheegay in ay tahay Caasimadda Canshuur bixiyaha ugu weyn dalka.

“Muqdisho Matalaad Xaq ayeey u leedahay, waxaa hada noo yaal inaan ka hadalno maqaamkeeda, Magaalada Xamar waxaa laga qaadaa 1 Bilyan oo doollar hadanna waxaa u wehlisa Amni daro”

Madaxweyne Waare ayaa intaasi kusii daray” Arrinta Banaadir waxaa ka xumahay mar walba in la iska warsado aakhiru saac, caasimaddaas waa wada leenahay, si aan raalli isaga nahay aan maqaam ugu raadino”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post