573 Views

Xiisad ka dhalatay weerar ka dhacay G/Galgaduud oo halkaas ka taagan

Xiisad ka dhalatay weerar ka dhacay G/Galgaduud oo halkaas ka taagan
____________________________________________________________________________


Isniin: April 4, 2022

Warar ka aan ka heleeno deegaan dhanka Bari ka xiga degaanka xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeyso labo maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dagta.

Xiisada dagaal ayaa la sheegay in ay ka dhalatay, kadib markii Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku dhaawaceyn Nin Shacab ah oo ku sugnaa Aaga Xera-aruuris oo dhanka Bari ka xigta degaanka xananbuure ee G/Galgaduud.

Waxaa la tilmaamay in weerarka kadib ay goobta ka baxsadeen Maleeshiyaadkii hubeysnaa, iyadoo goobta laga qaaday Ninkii ku dhaawacmay weerarka, waxaana la geeyay dhaawiciisa mid ka mid ah goobaha caafimaad ee  Magaalada Dhuusamareeb, inkastoo xilliga la dhaawacayay uu ku howlanaa rarida qoys degan degaanka xananbuure.

Sidoo kale, weerarka dhaawaca ayaa salka ku hayo dilal aanooyin qabiil ah oo dhowr jeer horay uga dhacay degaanka xananbuure iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida ay xuseen Goob-joogayaal.

Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleeno degaanka xananbuure ee Gobolka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in ay socdaan dadaalo ay wadaan Odayaasha dhaqanka kuwaasi ay ku doonayaan in ay ku damiyaan xiisada ka dhex taagan labada maleeshiyo beeleed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post