825 Views

Qawmiyad ku nool Kenya oo dib u dajin ka dalbatay UNHCR

Qawmiyad  ku nool Kenya oo dib u dajin ka dalbatay UNHCR
____________________________________________________________________________

Sabti  January 2, 2021 Bulsho laga tiro badan yahay oo ku nool dalkan Kenya ayaa weli waxa ay wajahaysaa huban la’aan dhanka dhulka ah iyo barakicin joogta ah oo la kulmayeen muddo saddex sanadood ah, maxkamad caalami ah ayaase amartay in dowladda ay dadkaasi dib u dajin u samayso.

Bulshada Ogiek, oo dadkeedu ay ka badan yihiin 30,000 oo qof, ayaa waxa ay sheegataa Kaynta Mau ee gobolka Rift Valley ee Kenya ay tahay dhaxal awoowe.

Hasayeeshee kayntaas oo leh biyo-dhac muhiim ah, ayey dowladdu sheegaysaa in si sharci darra ah lagu degay, arrintaas oo adkaysay hannaankii dib u dejinta.

Weriyaha BBCda, Ferdinand Omondi, ayaa booqday bulshadaas Ogiek kaddibna warbixintan inooga diyaariyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post