903 Views

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda 2021

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda 2021
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –MKalfadhiga 1aad Kulankiisa 12 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee jowhar

Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2021 ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Ugu horeyn Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Yusuf Macalin Xassan Jeele ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Sanadka 2021

Sidoo Kale Xoghaya Guud ee Golaha Cabdiwaxiid  Maxamed Xussein (Wadaariyaad) ayaa Golaha u akhriyey Warqada soo Gudbinta Miisaaniyada.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka  Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay go,aan kagaaran Miisaaniyada Maadaama Sanadka 2020 uu gabo gabo yahay loona baahan yahay in Miisaaniyada Sanadka 2021 go.aan laga gaaro si uusan hakad ugu imaan Howlaha ay Hay’adaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle u hayaan Shacabka Dowlad Goboledka Hirshabeelle

Baarlamanka Hirshabelle ayaa Cod gacan taag ku ansixiyey Miisaaniyada 2021 waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed, waxaana ogolaaday 71 mudane waxaa diiday laba mudane halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –MXafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post