264 Views

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo sheegtay in loo beegsanayo islaanimo

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo sheegtay in loo beegsanayo islaanimo
____________________________________________________________________________

Sabti: Febraayo 2023

 

Xisbiga Jamhuuriga ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Koongareeska, taasoo muujineysa xiisadda ka dhex aloosan aqalkaasi gudihiisa.

Waxay u codeeyeen in Ilhaan laga saaro guddiga arrimaha dibadda sababo la xiriira hadallo ay horey uga tiri Israa’iil.

Jamhuuriyiinta ayaa sheegaya in tallaabadani ay dirayso fariin xooggan oo ka dhan ah naceybk.

Laakiin Dimuqraadiyiinta iyo Ilhaan Cumar ayaa sheegay inarrintaani ay tahay aargoosi kadib markii laba xubnood ooJamhuuriyiin ahaa laga saaray guddiyo 2020 markaas oo Dimuqraadiyiintu ay haysteen aqlabiyadda Aqalka.

Jamhuuriga ayaa haatan leh aqlabiyadda Aqalka Congreyska sidaas awgeedna iyaga ayaa soo magacaabay dhamaan xubnaha kala duwna ee aqalkaasi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post