1812 Views

Maleeshiyaadka Macawiisleyda oo Weerar ku qaaday Saldhigga Buula Burde ee Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka Macawiisleyda oo Weerar ku qaaday Saldhigga Buula Burde ee Gobolka Hiiraan.
____________________________________________________________________________

.June 11 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar ka dhacay Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan oo dhex maray Ciidamada Dowlada iyo maleeshiyaad hubeysan ay weerar culus kusoo qaadeyn saldhigga Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid kadib markii Saldhigga maleeshiyadii  mawiisleyda ah ay weerarka ku soo qaadeen, waxaana halkaas ka dhacay dagaal dhex maray Ciidamada Booliska ee ku sugnaa Saldhigga iyo maleeshiyaadka macawiisleyda.

Maleeshiyada weerarka soo qaaday oo la sheegay inay ahaayeen kuwa macawiisleyda ayaa la sheegay inay isku dayeen in xabsiga kasoo furtaan mid kamid ah ciidamadooda oo halkaas lagu xiray.

Sidoo kale Ciidamada Booliska ee saldhigga ku sugnaa ayaa la sheegay inay iska caabiyeen maleeshiyadii soo weerartay, waxaana fashilmay qorshihii lagu soo furan rabay askariga ku xiran saldhigga ee ka tirsan Maleeshiyada Macawiisleyda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post