4008 Views

Sawiro:-R.Wasaare Kheyre Oo Kormeeray Wasaarada Maaliyada Dalka

Sawiro:-R.Wasaare Kheyre Oo Kormeeray Wasaarada Maaliyada Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 —Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, waxaana R/wasaaraha Xaruntaasi kusoo dhoweeyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow  iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare Kheyre ayaa ujeedka booqashada uu ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ay ahayd sidii uu ugu kuur geli lahaa shaqada Wasaaradda ka socda iyo Hanaanka Shaqo ee ay Shaqaalaha u shaqeynayaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhiiri geliyey  Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku boggaadiyey Howsha adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, kuna booriyay inay sii labo jibaaraan howsha Qaranka.

01

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment