309 Views

Taliban oo howlgal ku dishay xubno ka tirsan Daacish

Taliban oo howlgal ku dishay xubno ka tirsan Daacish
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Afhayeen u hadlay maamulka Taliban ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ee Taliban ay howlgal ka fuliyeen magaalada Kabul lagu dilay lix xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.

Qari Yuusuf Axmadi oo ah afhayeenka u hadlay Taliban ayaa sheegay in xubnaha Daacish ee lagu dilay weerarka lagu qaaday goob ay ku dhuumanayeen ay ku lug lahaayeen laba weerar oo culus oo toddobaadyadii tagay ka dhacay dalkaasi.

Mid ka mid ah ayaa lagu qaaday masjid ku yaalla magaalada, halka kan kalana lagu qaaday iskuul halkaasi oo lagu dilay toboneeyo gabdho da’yar ah sida uu afhayeenku sheegay.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda labadaasi weerar.

Tan iyo markii Taliban ay 2021-kii la wareegtay talada dalkaasi ayay sheegtay in ay diiradda saareyso sugidda amniga ka dib tobanaan sano oo dagaal ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post