2760 Views

Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo Amar-siiyey Hay’adaha dowladda

Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo Amar-siiyey Hay’adaha dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 23, 2019 | QOL |   –Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Maanta  daahfuray Shirka qorshaha 9aad ee horumarinta Qaranka ee 2020- 2024 oo ay kushaqayn doonto dowladda kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga ee Xukuumadda Soomaaliya .

 

Madaxwaynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kajeediyay munaasabadda daahfurka qorsha 9aad ee hormarinta qaranka ayaa waxa uu sheegay in qorshahaani ay qayb kayihiin sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha ay sameeyaan wabiyada kaas oo dalka kusoo laab laabtay dhibaatooyina ay kasoo gaaraan shacabka  .

 

 

 

Waxa uu sheegay in qorshaha 5ta sano ee soo socota uu yahay mid fududeeynaya geedi socodka hab raacyadii horay loo dajiyay.

 

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa waxa uu faray Hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo maamul gobaleedyada in marka ay dajiyaan qorshooyinka sanadlaha ah ee ku shaqaynayaan ay waafajiyaan qorshaha guud ee 9aad ee hormarinta qaranka .

 

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa waxa uu hay’adaha aan dowliga aheyn ee Qaramada Midoobay  iyo kuwa samafalka uu faray in ay dib u eegis  ku sameeyaan qorshooyinka ay ku shaqeeyaan kadibna ay hubiyaan in uu la jaanqaadi karo qorshaha 5ta sano ee soo socta ee 9aad.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment