756 Views

Xukuumadda Puntland oo xalay baaq nabadeed ka soo saartay, colaad beeleed ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool.

Xukuumadda Puntland oo  xalay baaq nabadeed ka soo saartay, colaad beeleed ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool.
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Xukuumadda Puntland ayaa xalay baaq nabadeed ka soo saartay, colaad beeleed ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda ka aloosan Dhabar-dalool, islamarkaana labada dhinac ay nabadda ka shaqeeyaan.

Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada soo noq-noqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.” Ayaa qoraalka lagu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan diinta suubban.

Waa wax aad looga xumaado in iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo ka baxsan diinteena suuban.” Ayuu sii raaciyay.

Isimada iyo Culimada degaanka ayuu sidoo kale ku boorriyay, in loo istaago joojinta colaadda u dhexaysa labada beelood, oo marar kala duwan ka dhacday halkaas.

Waxaan ugu baaqayaa Isimmada, culimada, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo cid walba oo wax ka geysan karta sidii loo damin lahaa dhibkaas in ay kaalintooda nabadeed ka qaataan.”

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post