1473 Views

Maareeyihii Golaha Murtida ee Tiyaatarka oo xilka laga qaaday

Maareeyihii Golaha Murtida ee Tiyaatarka oo xilka laga qaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 29, 2019 —Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilka uga qaaday Maareeyihii Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee SONNA waxaa xilka Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada loo magacaabau Maxamed Abukar Axmed oo loo yaqaano Ma’da.

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo sanad ka hor xilkan loo magacaabay ayaa si la layaab ah xilka looga qaaday.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha xilka looga qaaday ay sabab u aheyd war laga sii daayay Idaacadda Kulmiye oo ahaa in Ra’iisul Wasaaraha uu is casilay, waxaana warkaan uu noqday mid been abuur ah.

 

Abwaan Guure oo ah Milkiilaha Idaacadaas ayaa eersaday warkii maanta laga sii daayay Idaacadiisa, waxaana arrintaas hareysay baraha bulshada.

Weriye Ma’ada ayaa ka mid ahaa weriyaashii aan dalka ka cararin una dhabar adeygay inay howlahooda saxafinimo sii wataan xilli magaalada Muqdisho ay ka carareen boqolaal weriyaal ah.

 

Waxana uu Ma’da ka mid ahaa weriyaashii ku soo kifaaxay idaacadii Hornafrik, waxana uu ka mid yahay weriyaasha faro ku tiriska ah ee qoraalada adeegsada isagoo hore u qoray buugaag sheekooyin ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment