855 Views

Ciidamo ka tirsan Gorgor & Haramcad oo lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Gorgor & Haramcad oo lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 2, 202

Wasiir Dowlaha Amniga xukuumada Somalia Farxaan Cali Axmed iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo ay wehliyaan Taliye xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey ururka 8-aad ee Kumandoska Gorgor iyo Gabdhihii ugu horeeyey ee ka mid noqonaya ciidanka  Ciidanka Booliska gaarka Haramcad oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan dalkooda hooyo ku soo dhaweyno qaar ka mid ah Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan dufco ka mid ah ciidanka Kamaandooska GorGor iyo dufco ka mid ah Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Booliska, gaar ahaan Haramcad, kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka aan walaalahanahay ee Turkey” ayuu yiri Farxaan Cali Axmed

Wasiiru dowlaha ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay si hagar la’aan ah ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Soomaliya

“Waxaan uga mahadcelinayaa walaalaheen Turkey sida ay noo garab taagan yihiin nooguna hagar baxayaan kor u qaadida dowlad dhisideena. Waxaana kula dardaamay Ciidamada Qalabka sida in ay noqdaan kuwo difaaca nafta, maalka shacabka iyo hantida guud ee dadweynaha. Noqdana kuwo u guta Waajibaadkooda si daacadnima ah, wadaninimo ah iyo Soomaalinima ah” ayuu intaas ku daray wasiiru dowlaha

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post