1203 Views

Dil ka dhacay deegaanka Dacdheere oo ku yaala deegaan xuduudka Gobolka Galgaduud iyo Itobiya..

Dil ka dhacay deegaanka Dacdheere oo ku yaala deegaan xuduudka Gobolka Galgaduud iyo Itobiya..
____________________________________________________________________________

.

February 24, /2/ 2021

Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla xuduudka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in barqanimadii Maanta halkaas uu ka dhacay Dil loo geystay qof shacab ah.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa la sheegay in Nin shacab ah ku dileen deegaanka Dacdheere, iyadoona dilkaas loo adeegsaday qori Ak47, isagoo ugu geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Cadar oo kamid ahaa dadka deegaanka Dacdheere ee ku yaalla xuduudka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka.

Xiisad u dhexeeysa dadka deegaanka ayaa Maanta lasoo sheegayaan inay ka taagan tahay Dacdheere oo lagu dilay Cabdi Xasan, waxaana falkaas la tilmaamay inuu la xiriiray dilal horey u dhacay, iyadoona deegaanka laga dareemayo xiisad.

Si kastaba dhowr mar ayaa horey sidaan oo kale waxaa dilal iyo dagaalo u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan uga dhaceen deegaano ku yaalla xuduudka Gobolka Galgaduud iyo Itoobiya, waxaana falalkaas inta badan ka dhasheen aanooyin qabiil.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post