534 Views

CC SHAKUUR ‘oo ka cabsi qaba’ in lagu sameeyo wixii Jawaari lagu sameeyey oo kale

CC SHAKUUR ‘oo ka cabsi qaba’ in lagu sameeyo wixii Jawaari lagu sameeyey oo kale
____________________________________________________________________________


Sabti: November 27, 2021

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay shaki weyn oo arrinta guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay ku abuurtay, Jawaari ayaa shaaciyey in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka hor istaagay inuu u tartamo xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aal geliyey sida ay ku suurta galeyso in Farmaajo lagula tartamo xilka madaxtinimada dalka, maadaama aan looga baran doorasho lagu tartamo, intii uu joogay xukunka.

“Farmaajo intii uu xilka sharciga ah hayey seddax doorasho ayaa la qabtay, midna laguma tartamin. Tii Aqalka Sare tartan kama dhicin, tiro kooban maahee, Tan haatan billaabateyna tartan kama jiro. Haddaba sideen ku aaminaa in doorashada madaxweynaha lagu  tartamayo. Haddii Jawaari loo diiday shahaado tartan xildhibaan, sideen aniga mida tartanka madaxweynaha ku helayaa?,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray.

Siyaasigaan ayaa Farmaajo ku tilmaamay nin aan waxba xeerin oo wax kasta ay ka suurtaabaan, isagoo tusaale u soo qaatay sida uu ula dhaqmay madaxdii la soo shaqeysay mudadii uu joogay xukunka.

“Haddii Farmaajo horay waxba u xeerin ee uu labo Guddoomiye Baarlamaan midna xilka ka tuuray, kii kalana Villada ka soo cayrsaday, labo Raysalwasaare midna xilka ka tuuray, midna la dagaalay, haddana dib u ceshaday. Haddii uu xildhibaano u diiday in ay Baarlamaanka soo galaan, Mucaaaradkii iyo madaxdii dalka uga horreysay xabbad iyo weerar ku simay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa su’aal geliyey sida Ra’iisul wasaare Rooble oo hadda hor istaagi waayey boobka doorashada baarlamaanka uu u hor istaagi karo boob lagu sameeyo doorashada madaxtinimada dalka.

“Haddii Raysalwasaarihii masuuliyadda doorashada iyo amniga loo dhiibay uu leeyahay boobka doorashada ee socdaa waxba kama qaban karo. Sideen lagu aaminnaa in aan doorashada madaxtinnimada la boobaynin, ama la isku diidaynin, ama la isku dulminaynin. Mise Farmaajo ayaa dhaqan boobka iska deynaa oo noqonaya Mukulaashii madaxa doolliga ka xajisay?” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qormadiisa ku soo gabagabeeyey, “Falsafada meesha taala waa doorasho natiijadeeda la hubo, ama doorasho la’aan. Cidii malxiis ka noqonaysa iyo cidii diidaysaba. Waxaa la yiri qaylo dhaan warmo kama tunmaan.”

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post