768 Views

K/Koofureed & Midowga Yurub oo kawada hadlay Nabadgalyada Biyaha Soomaaliya.

K/Koofureed & Midowga Yurub oo kawada hadlay Nabadgalyada Biyaha Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3da Maarso, 2021:-Wasiirka Difaaca Kuuriyada Koofureed Suh Wook & Danjiraha Midowga Yurub ee Dalkaas Maria Castillo Fernandez ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeeshay Magaalada Seoul iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah sida la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida & Nabadgalyada Marinka Hormuz.

Warbaahinta Kuuriyada Koofureed ayaa daabacday in fadhiga labada dhinac oo ku bilawday jawi degen uu kusoo gaba-gabeeyay xoojinta xiriirka labada dhinac & iskaashiga wadajirka howlgalkooda ka socda biyaha Caalamiga iyo Xeebaha Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Kuuriyada Koofureed ee (Yonhap) ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka go’an tahay sidii nabadgalyo loogu safri lahaa meelaha laga soo calaamadeeyay afduubka & halista kooxaha burcadda ah.

Xukuumadda Seoul waxaa Xeebaha Soomaaliya u jooga ciidamo ka qaybgalaya ilaalinta maraakiibta Ganacsiga, Gargaarka & Doomaha Dalxiiska si looga badbaadiyo gacanta burcadda waxaana Qaybta sida gaarka u qaabilsan lagu magacaabaa “Chung-hee”.

Tan & 2009-kii ayay ku sugan yihiin Gacanka Cadmeed meel ka baxsan Soomaaliya, waxaa haatan ugu darsantay ilaalinta Nabadgalyada marinka Hormuz sanad weliba waxaa loo kordhiyaa muddada sii joogitaankooda si uusan u istaagin howlgalkooda xaqiijinta Amniga Badda.

Kuuriyada Koofureed ayaa ku rajo wayn martigelinta shir looga hadlayo Nabadgalyada oo qandaraaska socodsiintiisa ay leedahay Qaramada Midoobay, maadaama ay ku faaneyso waaya-aragnimo kasoo bilaabaneysa 2009-kii, waxa ay dooneysaa in ay gogosha dhigto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post