948 Views

Khasaare xooggan oo ka dhashay dagaal ka dhacay tuulada Finley ee degmada Boocame

Khasaare xooggan oo  ka dhashay dagaal   ka dhacay tuulada Finley ee  degmada Boocame
____________________________________________________________________________

.

Isniin: August 30, 2021

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaal   ka dhacay tuulada Finley oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame.

Dagaalkan ayaa daba socday iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay miyiga Ballli-cad oo ku dhow Saax-maygaag halkaas oo sida la sheegay ay laba sahan ku dagaallameen islamarkaana hal qof ku geeriyooday.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku geeriyootay dagaalkii dambe halka in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen.

Colaadda labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa todobaadyadii u dambeeyay ka taagnayd tuulada Saax-maygaag oo horay labada dhinac ugu dagaallameen 28-kii bishii tagtay ee Luuliyo.

Puntland ayaa marar kala duwan go’aanno ka soo saartay colaaddan si loo xakameeyo balse waxba kama hirgelin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post