357 Views

Haweenka Soomaalida Belgium-ka oo xaflad ku maamuusay safiirka Benelux & Midowga Yurub [VIDEO]

Haweenka Soomaalida Belgium-ka oo xaflad ku maamuusay safiirka Benelux & Midowga Yurub [VIDEO]
____________________________________________________________________________

Axad, 9 Oktoobar [Qaranimo Online] Kulan ballaaran oo ay soo abaabuleen ururka haweenka Soomaalida Benelux ayaa Sebtidii lagu qabtay Magaalada Gent, ee waddanka Beljium-ka.

Munaasabaddan, oo ay soo agaasintay Guddoomiyaha ururka haweenka Soomaalida Beljium-ka  Canab ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Gent Abshir Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN ee fadhigeedu yahay Netherland C/qaadir Cali Nuune, masúuliyiin ka socotay Jaaliyada Soomaalida Beljium & waxgarad isugu jira rag & haween.

C/qaadir Nuune oo ku hadlayay codka Soomaalida ku dhaqan Netherland ayaa soo dhoweeyey dedaalada safiirka ee ku aadan sidii dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddamada Beljium & Netherland iyaga oo middeysan ay kaga qeybqaadan lahaayeen caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Netherland waxaan u xaqiijeynaa safiirkeena Yoonis in reer Holland ay diyaar u yihiin wax walba oo kor loogu qaadayo magaca & sumcada Soomaaliyeed” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Danjire Yoonis ayaa noqonaya danjirihii ugu horreeyey ee ka socda Dowlad Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay qaran-jabkii dalka ka dhacay, ee soo gaara fagaarayaasha ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soomaalida, wuxuuna marar badan ka soo dhexmuuqday shirarka ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soomaalida Beljium & Netherland.

Danjire Yoonis, wuxuu ku guuleystay muddadii uu xafiiska joogay inuu soo celiyay billicdii & quruxdii safaarada Soomaalidu ku laheyd Beljium, waxaanna socda olole ay hormuud u yihiin Soomaalida Netherland oo lagu nadiifinayo gurigii martida ee ay safaaradu laheyd.

Halkan ka daawo

(9) HAWEENKA SOOMAALIDA GENT OO XAFLAD SOO DHOWEYN AH U SAMEEYEY SAFIIRKA SOOMAALIYA EE BENELUX – YouTube

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post