2478 Views

Guddi ka socday Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo

Guddi ka socday Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 7, 2018 – Guddi uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari oo ka kooban 7 xubnood ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kulanka ahaa mid albaabada u xirnaa.

Xubnaha Guddiga wada hadalka ee xal u helida Khilaafka Baarlamaanka ayaa waxaa hoggaaminayay C/qaadir Cosoble Cali, iyadoo Madaxweynaha ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ka mid ah xiisada taagan iyo qaabkii loo mari lahaa xalinteeda.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga wixii ay kala kulmeen Madaxweynaha ay dib ula laabteen dhanka Guddoomiye Jawaari, iyagoo warbixin siin doona.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in galabta ay kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, si loo ambaqaado waanta waanta xalka lagu raadinayo.

Illaa iyo hada dhanka Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa soo magacaabin guddi, inkastoo la sheegayo in xaalada ay u badan tahay mid hal dhinac ah oo Madaxtooyada ay doorka ugu weyn ee wada hadalka qaadaneyso.

Wada hadalada maanta bilowday ayaa ka dambeeyay cadaadis Beesha Caalamka ku saareen dhinacyada khilaafka u dhaxeeyo inay ku xalistaan sida sharciga qabo, iyadoo la iska ilaalinayo wax kasta oo fowdo iyo qalalaase abuuri kara.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment