1236 Views

Arday loo garaacay Jabaati uu ka boobay ardaydii kale dalka kenya

Arday loo garaacay Jabaati  uu ka boobay ardaydii kale  dalka kenya
____________________________________________________________________________

Arbaco: February 2, 2022

Arday reer Kenya ah ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaala xeebeedka Mombasa, kaddib markii loo garaacay shan sabaayad oo uu cunay.

Iskuulka ayaa arday kasta u qoondeeysay inuu cuno xabad sabaayad balse wiilka ayaa baddalkii taas cunay 5 xabo.

Macalimiinta ayaa lagu eedeyay inay wiilka ku garaaceen tuubbo balse maamulka iskuulka ayaa eeda dusha uga tuuray ardaydii ay iskuulka isla dhiganayeen.

Wiilkan 13-jirka ah ayaa jirkiisa waxaa ka muuqda calaamado madow, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo muuqaallada lagu wadaagay baraha bulshada.

Waalidiintiisa ayaa sheegay in iskuulka aysan ku soo wargelin dhacdadan ilaa todobaad ka dib uu wiilkooda aad u xanuunsaday.

Dhakhaatiirta isbitaalka ayaa sheegay in wiilka uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dhanka kilyaha iyo xubnaha taranka.

Mas’uuliyiinta waxbarashada ee deegaankaasi ayaa xiray iskuulka kadib kormeer ay ku sameeyeen dhacdadan.

Arrintan ayaa caro ka dhex dhalisay qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah ee isticmaala baraha bulshada.


Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post