759 Views

Mas’uuliyiinta Tigray oo shacabka ugu baaqay inay is difaacaan..

Mas’uuliyiinta Tigray oo  shacabka  ugu baaqay inay is difaacaan..
____________________________________________________________________________

Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa shacabka gobolkaas ugu baaqay inay isku diyaariyaan abaabul ay isaga dicaafayaan waxa ay ku tilmaameen “gardarrada cad” ee uga imaaneyso dhinaca dowladda uu hogaamiyo Abiy Axmed.

Telefishinka gobolka ayaa ku warramaya in shacabka lagu amray inay iska difaacaan ciidamada dowladda kaddib dagaal ka socdo halkaas.

Waxaa gobolka ka jirtaa in xaaladda ay isku baddasho dagaallo sokeeye kaddib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu diiday in wadahadal lagu xalliyo colaadda.

Midowga Afrika waxay dhawaan ugu baaqeen labada dhinac inay yeeshaan wadahadal lagu joojinayo dagaalka.

Abiy ayaa ku adkeystay in wax wadahadal ah uusan jiri doonin tan iyo inta laga gaarayo hadafkii laga lahaa howlgalka Militeri.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post