579 Views

Agaasimaha Laanta 2aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Xarigga ka jaray Xarunta Bar-xuduudeedka Raas-Kambooni

Agaasimaha Laanta 2aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo  Xarigga ka jaray Xarunta Bar-xuduudeedka Raas-Kambooni
____________________________________________________________________________

..

Agaasimaha Laanta 2aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Md Ibraahim Xasan Ismaaciil ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Bar-xuduudeedka Raas-Kambooni ee Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xaruntaan oo ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhistay ayaa lagu qalabeeyay qalbka casriga ah ee Xuduudaha, kaas oo ay ku shaqeyn doonaan Saraakiisha HSJ ee ka howlgasha Bar-xuduudeedka Raas-kambooni.

dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Xarunta Bar-xuduudeedka Raas-kambooni ka qoday Ceel biyood loogu talagalay in ay ka faaideystaan dadka deegaanka si ay u helaan biyo nadiif ah.

Munaasabadda xariga looga jaraayay bar-xuduudeedka Raas-kambooni ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe, Gudoomiye K/xigeenka Degmada, Hey’adaha Amniga, Odayaasha deegaanka iyo ururada Dhalinyarada iyo Haweenka ee Degmada Badhaadhe. Iyadoo dadka ka soo qeybgalay Xafladda ay aad u soo dhaweeyeen dhismaha cusub ee Bar-xuduudeedka ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ka hirgelisay Raas-kambooni.

Ugu dambeyn Agaasimaha Laanta 2aad ee HSJ Md Ibraahim Xasan Ismaaciil oo ugu horeyn Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Xafiiskaan uu u adeegi doono dadka socotada ah ee isaga gudbo Xuduudda labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale Agaasimaha Laanta 2aad ee HSJ ayaa ku booriyay dadka deegaanka in ay ilaashadaan hantidaan oo ay ku baxday qarash badan ayna ogaadaan in ay tahay hanti dadweyne.

#HSJ

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post