309 Views

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka horumarinta caafimaadka Afrika

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka horumarinta caafimaadka Afrika
____________________________________________________________________________

 Talaado: AUGUST 16, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr; Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir looga hadlayay  horumarinta Caafimaadka Afrika .

Shirkan oo uu hal ku dhiggiisu ahaa “Horumari caafimaadka, horumari Umadda” ayaa waxaa soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo kahortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika, taasoo oo  ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku aqoonsanayaan, ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada,  iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta iyo siyaasadooda.

Shirkan oo ahaa mid miro dhal ah ayay xubnaha gudiyada ka kala socday wadamo kala duwan oo Afrika ah kaga hadleen waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC, caqabadaha hortaagan guddiga fulinta qorshayaashooda iyo ugu dambayntii, heerka hoggaamineed ee guddiyada heer Wasaaradeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post