954 Views

Maamulka Koonfur Galbeed oo Beesha Caalamka kala hadlay Arrimaha Abaaraha

Maamulka Koonfur Galbeed oo Beesha Caalamka kala hadlay Arrimaha Abaaraha
____________________________________________________________________________

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas, Cali Saciid Faqi ayaa manta kulan la qaatey  wafdi ay hogaaminaysey  safiirada Midowga yurub  u qaabilsan Soomaaliya

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa  Safaradaha Sweden, Norwey iyo Holland, waxaana kulanka loooga hadlay wax ka qabashada Arimaha Abaaraha kajira degaanada Koonfur Galbeed iyo Taakuleynta Dadka danyarta ah ee ku sugan xeryaha Barakacayaasha

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta ,Gergaarka ,iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo  iyo mas’uuliyiin kale, iyada oo lagu balamay in loo gudmado dadka ay abaartu saameeysay.

Degaano iyo degmooyin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa xilligaan kajira abaaro saameeyay dad iyo Duunyo, iyada dadkaasi aysan helindowlad ama maamul gurmad la gaara.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post