2427 Views

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay safiir ku-xigeenka Germany ee Soomaaliya

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay safiir ku-xigeenka Germany ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  21 August 2017 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr oo ay wehlinayeen La-taliyaha Arrimaha Warfaafinta, Xiriirka, iyo Wacyi Gelinta Dadweynaha, iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda ayaa la kulmay Safiir Ku-Xigeenka dalka Germany ee Soomaaliya Markus Bollmohr.

Ugu horeeyn, Agaasimaha Guud ayaa warbixin ka siiyay danjire Ku-Xigeenka hawlaha ay Wasaaradda qabatay mudooyinkii dambe ee u diyaar garowga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Mudane Zubeyr ayaa sheegay in Wasaaraddu ay kulamo wadatashi ah sameeysay oo ay shacabiga talooyinkooda ku darsanayeen qorshaha guud ee geedi-socodka iyo kulan kale oo ay Wasaaradda u qabatay Dawlad Goboleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka oo lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga.

Danjire Ku-Xigeen Markus ayaa aad u soo dhaweeyay waxqabadka Wasaaradda ee bilihii la soo dhaafay, waxa uuna sheegay in ay door taageera ah ka qaadan doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Wasaaradda wado.

Ugu dambayn, Masuuliyiintii ka socotay Wasaaradda iyo Safiir Ku-Xigeenka Germany ee Soomaaliya ayaa isku afgaraty sidii wadashaqayn ay u yeelan lahaayeen.

z1 z2 z3

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment