1056 Views

Xildhibaano taageersan Axmed Madoobe oo Eedeeyay DFS & Beesha Caalamka

Xildhibaano taageersan Axmed Madoobe oo Eedeeyay DFS & Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 19, 2019 —Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana badankood ku sugan Magalada Kismaayo,kuwaas oo ah kuwa taageersan Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Madoobe ayaa Eedeyn waxaa ay u jeediyeen Madaxda Dowladda Federaalka Wakiilada Beesha Caalamka.

 

War-Saxaafadeed ay Xildhibaannadaas soo saareen  ayaa waxaa ay ku sheegeen inay dowladda Federaalka iska dhega-tireyso dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay faragelin ku heyso doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Waxaa kaloo ay sheegeen in dowaldo ka mid ah kuwa deriska ay faragelin ku hayaan Arrimaha Soomaaliya taasoo meel ka dhac ku ah Qaranimada iyo madax bannaanida dalka, iyaga oo sheegay in saraakiil ka socota mid ka mid ah dowladaha deriska oo taageero ka heleysa Villa Somalia loo adeegsado inay u soo bareeraan faragelin ku sameynta doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Dadaalada ay Xubnaha Beesha Caalamka ku bixinayeen doorashooyinka Jubbaland ayay sheegeen inay aheyd mid dhinaca kaliya culeys lagu saarayay taas oo ka fog doorka Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya,isla markaana ay nasiib-darro tahay in waraaqo isku eg ay kasoo baxaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

 

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen Xubnaha Beesha Caalamka inaysan garab siin fowdo iyo in lagu tunto Sharciyada u yaalla dalka iyo in Jubbaland ay ka dhacdo xasilooni-darro  horseedi karta kala dambeyn la’aan sida ay dhacday sanadkii 2013-kii

 

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kazoo baxay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment