2793 Views

Sawiro:-Madax weynihii Horre Ee Dalka Oo Khudbad Ka Jeediyay Shir Cilmiyeed ay Qabatay Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit

Sawiro:-Madax weynihii Horre Ee Dalka  Oo Khudbad Ka Jeediyay Shir Cilmiyeed ay Qabatay Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 22, 2017 –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu martiqaaday shir cilmiyeed uu soo abaabulay Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit, gaar ahaan kulyadeeda Cilmiga Siyaasadda.

Shir cilmiyeedkan ayaa cinwaankiisu ahaa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliga, waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Dr. Metin Dogan iyo labadiisa ku xigeen, safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Jaamac C/llaahi Maxamed, diblomaasiyiin ka kala socday qaar kamid ah safaaradaha Ankara ku yaalla, agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga iyo arday, macallamiin iyo aqoonyahanno ka kala yimid hay’ado iyo jaamacado kala duwan oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo caalamka ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn ka hadlay taariikhda xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo kasoo bilaabay xilligii Cusmaaniyiinta, wuxuu sidoo kale aad u sharraxay taariikhda iyo marxaladaha kala duwan ay Soomaaliya soo martay, waxaa uu aad u ammaanay dawlad wanaagga iyo dimiquraadiyad Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo Madaxweynihii u horreeyay Afrika ee xukunka si nabad ah oo dimuqraadi ah uga degay.

Sidoo kale waxaa uu aad sharaxay  dhibaatooyinkii soo maray dalka, xilligii burburkja iyo khaladaadka ay madaxda Soomaaliya sameeyeen, isagoo dhibaatada Soomaaliya haysata ay ugu wayn tahay is aaminaad darro iyo kalsoonida dadka u dhaxaysay oo luntay.

Waxaa uu ka hadlay fursadaha ganacsi ee Soomaaliya ka jira, wuxuuna u mahadceliyay dawladda Turkiga oo uu ku sheegay dal walaal ah oo waqti loo baahnaa u soo gurmaday Shacabka Soomaaliyeed.

Khudbadda kaddib ayaa waxaa la weydiiyay su’aalo kala duwan, waxaa su’aalaha la weydiiyay ka mid ahaa inuu doorashada 2021 u tartamayo iyo in kale, isagoo sheegay inta daruufaha hadda dalka ka jira ay jiraan inuu mar walba tartamayo, 2021 iyo kadibba.

Xeel dheere dhanka arrimaha bariga dhexe oo u dhashay dalka Bangaledesh ayaa waydiiyay saamaynta “Proxy War – Dagaalka wakiillada” ee u dhaxeeya dawladaha bariga dhexe iyo sida ay Soomaaliya ku leedahay iyo haddii xilligiisa uu la kulmay.

Waxaa uu sheegay inay arrimahaasi mar walba jiraan, dowladaha dagaalsanna ay mar walba tan kale faquuqayso, waxaa uu tilmaamay intuu dalka maamulayay inuu ka ilaaliyay in dawlado shisheeye ay dalka ku hardamaan, isla mar

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya xaaladda ay hadda ku jirto awgeed ay cid walba u baahan tahay oo aysan dawladna xiriirkeeda ka tanaasuli karin, wuxuu sheegay in maamulka hadda Soomaaliya ka jira uu u muuqdo inuu dhibbane u yahay mowqifka dhexdhexaadnimada ah ee uu ka qaatay khilaafka khaliijka, wuxuu caddeeyay in dawladda Turkiga aysan waligeed kala hadlin, ka cabanin, isla markaana aysan marnaba faragalinin xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka kale.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa la guddoonsiiyay billad sharaf, kaddibna waxaa lagu soo wareejiyay Xarunta Jaamacadda iyo Xafiisyada, waxaana casuumaada Jaamacadda u fidisay ku soo aaday, maalin kaddib markii Jaamacadda Yildirim Beyazit University ay shahaadada PHD sharafeed guddoonsiisay Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

bbbb77 bbbbb122 bbbbb11111 bbbbbb2222 bbbbbbb44 bbbbbbbbbbb4444 bbbbbbbbbbbb33 bbbbbbbbbbbb44 bbbbbbbbbbbbbbb33 bbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbb22 bbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbbb1

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment