738 Views

Madasha Xisbiyada oo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo Mas’uuliyad darro iyo Kali-talisnimo

Madasha Xisbiyada oo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo Mas’uuliyad darro iyo Kali-talisnimo
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 15 2020
—Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa si weyn loogu dhaliilay Madaxweyne Maxamed CabdulaahI Farmaajo in uu ku tuntay dastuurka dalka isla markaana curyaamiyay howlihii baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan ay isugu yimaadeen Madasha Xisbiyada ayaa qoraal laga soo saaray kulankaa kadib waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu abuuray jahawareer siyaasadeed iyo khilaaf dabadheeraaday.

“Madashu waxa ay u aragtaa mas’uuliyad darro iyo kaligii talisnimo in dalku uu xukuumad la’aado muddo 53 cisho ah,dowladnimadiina uu gacanta ku urursaday Madaxweynaha si uu dano shaqsi ugu fushado.”ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Madasha.

Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoob ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha Xisbiga UPD, iyaga oo ka wada hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah ee doorashooyinka Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post