243 Views

Puntland oo ciidamada PSF usoo dirtay Galmudug si ay uga qayb galaan dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.

Puntland oo ciidamada PSF  usoo dirtay Galmudug si ay uga qayb galaan dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12- 2023 

Puntland ayaa ka jawaabtay dalabkii kasoo baxay Galmudug ee ku aadanaa inay ka qayb-qaadato dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo koonfur gobolkaasi.

Galmudug ayaa dalabkan hordhigtay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, kaas oo isaguna  gaarsiiyay madaxda kale oo si deg-deg ah uga soo jawaabay.

Puntland ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku fulineyso dalabkaas, waxayna ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PSF-ta geysay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu haatan ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa ka qayb-qaadan doono howlgallada ay Galmudug ku dooneyso inay Alshabaab uga saarto degmooyinka ay ka heystaan gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee tegay degmada Hobyo ayaa sheegay in kaalintooda ay qaadan doonaan, si meesha looga saaro xoogag Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan gobolka laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay iska kaashaan doonaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon culus oo uu haatan xoogiisu ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya, kaas oo deegaano iyo degmooyin horleh looga qabsaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post