7458 Views

RW Cumar C/rashiid: Waa la Musuq-maasuqay lacagtii loogu talo galay Barnaamijka New Deal

RW Cumar C/rashiid: Waa la Musuq-maasuqay lacagtii loogu talo galay Barnaamijka New Deal
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 9 December 2015: Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid, ayaa Daboolka ka qaaday in Xukuumadiisa aysan ogeeyn halka lagu bixiyay Dhaqaalaha ay Beesha Caalamka ugu talo gashay Barnaamijka Hiigsiga Cusub.

RW Cumar wuxuu sheegay in Lacag gaaraysa 650 Milyan oo Doolaarka Mareykanka oo Deeq-bixiyaasha u qoondeeyeen New Deal ama Hiigsiga 2016, loo adeegsaday dano kale oo gaar ah, oo aan ahayn halki loogu talo galay.

“Lacagta Caalamka uu ugu yaboohay Soomaaliya si loogu qabto Howsha Hiigsiga Cusub waa la leexsaday, oo Dano kale oo aan midi Qaranka ahayn ayay ku baxday,” ayuu raaciyay Hadalkiisa RW Cumar.

Warbixinadii ugu danbeeyay ee ay soo saartay Monitoring Group ayaa lagu sheegay in Somalia ay Safka hore uga jirto Dalalka ugu Musuq-maamusuqa badan Aduunka, maadaam aysan lahayn maamul hufan oo ku dhisan isla-xisaabtan iyo baaritaan hanti-dhowr.

Hoos ka dhegeeyso RW Cumar Cabdirashiid

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment