1137 Views

Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo ka hadlay Dil xalay loo gaystay arday

Guddoomiyaha Gobolka Awdal  oo ka hadlay Dil xalay loo gaystay arday
____________________________________________________________________________

Talaado: july 6 2021

Saacado kadib Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Dil ka dhacay Magaalada Awdal ee Borame oo loo geestay arday ka soo jeeda Gobolka Sanaag oo Xabad uu ku dhiftay Askari.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbare) oo faah faahin ka bixinayey dilkii AUN Marxuum  Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliyadda Engineering-ka Jaamacadda Camuud ee Boorama ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyey falka toogashada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in askariga la soo qabtay uu ka mid ahaa Booliska Somaliland haatana uu xiran yahay, isla-markaana loo gudbinayo maxkamad, si cadaaladda loo horkeeno, looguna qaado dambiga dilka ah ee uu geystay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is dajiyaan, kana war sugaan go’aanka maxkamadda ay ka gaareyso dhacdadaasi oo haatan si weyn loo hadal hayo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Marxuum Ibraahim oo ahaa arday waxbarashadiisa ay wanaagsaneyd iyo askariga dilay ay ka soo wada jeedaan bariga Sanaag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post