273 Views

Eritrea oo beenisay inay heegan gelisay ciidamadeeda militeriga ah iyadoo u yeertay ciidamadeeda keydka

Eritrea oo  beenisay inay heegan gelisay ciidamadeeda militeriga ah iyadoo u yeertay ciidamadeeda keydka
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 19, 2022

Eritrea ayaa beenisay inay heegan gelisay ciidamadeeda militeriga ah iyadoo u yeertay ciidamadeeda keydka kuna amartay in ay agabkooda ciidan soo qaataan.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in dalkiisa uu heegan geliyay oo kaliya ah tiro aad u yar oo kamid ah ciidamada keydka balse wuxuu meesha ka saaray inay qoraneyso ciidamo hor leh si dalka deriska ay yihiin ee Itoobiya uga caawiso dagaalka ka dhanka ah fallaagada Tigray.

Warar ayaa sheegay in Eritrea ay waddo abaabul ciidan kaasoo loogu yeeray ciidanka keydka, illaa da’da 55 jirka, si ay qeyb uga noqdaan ciidanka, sida ay wararku sheegayaan.

Wasiirka warfaafinta wuxuu sidoo kale sheegay in ciidan uruursiga aysan wax xiriir ah la laheyn colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post