2076 Views

Ciidamadii Ururka ONLF Ka Joogay Eritrea Oo Laga Dejiyey Magaalada Jigjiga

Ciidamadii Ururka ONLF Ka Joogay Eritrea Oo Laga Dejiyey Magaalada Jigjiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 21, 2018 –Ciidamo ka tirsan jabhadda  ONLF ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida.

Ciidamadaan ayaa ka soo kicitimay magaalada Casmara ee dalka Eritrea waxayna ku wajahan yihiin magaalada Jigjiga waxaana magaalada ka socda qaban qaabo lagu soo dhaweynayo oo ay ka qeyb qaadanaan maamulka iyo shacabka magaalada.

Ciidamadaan ayaa saldhig ku lahaa Casmara xiliyadii dagaalka ku lajireen ciidamada Itoobiya ee xukumadihii  dowlada hadda jirta ka horreeyey.

Ra’iisul wasaaraha is badal doonka ah ee Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa waxaa Itoobiya waxaa ku  labanayey dadkii horey uga cararay.

Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa dhawaan soo afjaray colaaddii muddada dheer u dhaxeysay labada dhinac.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment