672 Views

Maxkamadda Ciidamada oo u fadhiisatay kiiska saddex eedeysane oo ka tirsan Al-Shabaab, kana billaabatay Dhuusamareeb..

Maxkamadda Ciidamada oo  u fadhiisatay kiiska saddex eedeysane oo ka tirsan  Al-Shabaab, kana  billaabatay Dhuusamareeb..
____________________________________________________________________________

February 21, 2021

 Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fadhiisatay kiiska saddex eedeysane oo lagu eedeynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, taasi oo maanta ka billaabatay magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta dowlad goboleedka Galmudug.

Raggan ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay 4-tii bishaan Febraayo ayaa waxaa la sheegay in ay Al-Shabaab u qaabil  sanaayeen Qaraxyada iyo tuurista hoobiyeyaasha, waxaana laga soo qabtay dulleedka magaalada Dhuusamareeb.

Gen. Cabdullaahi Buule Kameey oo ah xeer ilaaliyaha Maxkamadda ayaa Garsoorka Maxkamadda Ciidamada ka dalbaday in Eedeysane Shuceeb Maxamed Salaad lagu rido xukun dil toogasho ah, halka Cabdinuur Cumar Guutaale iyo Mukhtaar Shariif Axmed lagu xukumo xabsi Ciidan.

Guddoomiyaha  Maxamadda darajada Koobaad ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Dacwadda, waxaana uu sheegay in Maxkamaddu ay go’aan kasoo gaari doonto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post