381 Views

Farmaajo oo hambalyo u diray Emmanuel Macron

Farmaajo oo hambalyo u diray Emmanuel Macron
____________________________________________________________________________

Isniin: April 25, 2022\

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu fariin hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo kusoo baxay doorashada xilka Madaxweynaha oo dalkaas ka dhacday.

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal kooban soo saaray ayaa Emmanuel Macron ugu hambalyey dib u doorashada Madaxweynaha dalka Faransiiska, taas oo ka dhigan shan sano oo dheeri ah oo uu ahaa madaxweyne, kadib markii uu si la yaab leh uga guuleystay haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen.

Farmaajo ayaa yiri “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne
EmmanuelMacron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul. Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah.”

Waa madaxweynihii ugu horeeyay ee xilka haya ee dib loo doorto muddo 20 sano ah, Balse Haweyneyda looga adkaaday tartanka, Ms Le Pen, oo 53 jir ah, waxay sheegtay in saamigeedii muhiimka ahaa ee codbixinta ay weli muujinayso in ay guul joogaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post