978 Views

Ciidamo ku baxay degaankii dadka lagu dilay ee degmada Warsheekh

Ciidamo ku baxay degaankii dadka lagu dilay ee degmada Warsheekh
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 09, 2020 –
Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad ayaa waxaa la sheegay inay ku baxeen degaankii xalay maleeshiyaadka hubeysan dadka ku laayeen ee hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Gurigooda ugu tagay dad isku qoyska ah oo ku noolaa Tuulada Xaluule oo hoostagta degmada warsheekh, iyaga oo dilay Hooyo Umul kujirtay iyo laba Carruur ah oo ay dhashay, halka ay dhaawaceen haweeney qoyska kamid aheyd & Wiil 5-sano jir ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milalteriga ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedkoodu uu yahay inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dillka & dhaawaca loo geystay dadka Shacabka si uusan u abuurin xiisad kale.

Xoghayaha degmada Warsheekh Cabdullaahi Raage Colow oo Risaala la hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dhankooda ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilkaas, sidoo kale ay baaritaano wadaan.

Weerarada dilalka arxan darrada ah ayaa kusoo batay degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh & Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana 16-kii Bishii Sebtembar ee sanadkaan 2020 lagu dilay Tuulada Burdheera  oo hoostaga degmada Cadale lix Macalin Dugsi Qur’aan, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo Maxkamadeeyay falkaas.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post