501 Views

Midowga Musharraxiinta oo soo dhaweeyay Jadwalka Guddiga doorashooyinka

Midowga Musharraxiinta oo soo dhaweeyay Jadwalka Guddiga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Midowga Musharraxiinta ayaa soo dhowaynayay jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Goluhu wuxuu caddayay in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda.

Wuxu Goluhu ugu baaqay in ay faraha kala baxaan hawlaha GHDHF.

Warka kasoo baxay golaha Midowga Musharraxiinta ayaa sidaan u qornaa:

Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhowaynayaa jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo

saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT). Goluhu, wuxuu caddaynayaa, in dibudhac iyo daah sanad ka badan ee doorashooyinka dalka, ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaadda sharciyada iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

Goluhu wuxuu adkaynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo-jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee

ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhamaystirka hawlaha doorashooyinka.

Goluhu wuxuu caddaynayaa, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda.

Wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa in ay faraha kala baxaan hawlaha GHDHF. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed,

Xukuumadda iyo beesha caalamka in ay gacan ku siiyaan GHDHF, meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carqaladaynta dhammaystirka hawlaha doorashada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post