1272 Views

arday dhigta Jaamacadda Camuud ee Boorame oo xalay maqribkii lagu dhex-toogtay gudaha jaamacadda.

arday dhigta Jaamacadda Camuud ee  Boorame oo  xalay maqribkii lagu dhex-toogtay gudaha jaamacadda.
____________________________________________________________________________

.

Talaado: july 6 2021

Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ahaa arday dhigta Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame ayaa xalay maqribkii lagu dhex-toogtay gudaha jaamacadda.

Marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo ka soo jeeday deegaannada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, ayaa waxaa dilay mid ka mid ah ilaalada jaamacadda, kadib markii ay wada murmeen, sida la sheegay.

“Ardaygu imtixaan ayuu ka sooo baxay, markii uu baxaanka u soo baxay ayuu xasuustay taleefoon uu soo ilaaway, kadib wuxuu ku noqday gudaha jaamacadda, badabeedna dilkiisa ayaan ku war helnay, waxaa naloo sheegay in uu dilay mid ka mid ah waardiyaha jaamacadda” sidaas waxaa Puntland Post u sheegay mid ka mid ah ardayda jaamacadda oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka.

Ninka dilka geystay ayaa hadda ku jira gacanta Booliska Somaliland, wuxuuna ku xiran yahay saldhiga magaalada Boorame.

Marxuum Ibraahim ayaa labadii sano ee dambeeyay dhiganayay kulliyada Injineeriga ee jaamacadda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post