897 Views

Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii gantaalaada ee Kabul

Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii gantaalaada ee Kabul
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 30, 2021 —Kooxda xiriirka la leh kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee Afqaanistaan, oo sidoo kale loo yaqaan ISIS-K, ayaa sheegatay mas’uuliyadda gantaal lagu weeraray caasimadda Kabul, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Wakaaladda wararka ee kooxda Aamaq ayaa ku dhawaaqday weerarka waxayna sheegtay in ugu yaraan lix gantaal oo Katyusha ah lagu tuuray dhanka Garoonka  Hamid Karzai.

Gantaalada qaar ayaa ku dhacay xaafad ku dhow garoonka diyaaradaha.

Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in shan gantaal lagu soo tuuray dhanka garoonka diyaaradaha ayna ka hortageen ciidamada Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha iyaga oo adeegsanaya nidaamka difaaca.

Inkasta oo weerarka uu dhacay, haddana diyaaradaha dagaalka ee C-17 ee milatariga Mareykanka ayaa sii waday in ay ka duulaan, kuna degtaan garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka, Captain Bill Urban ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo Maraykan ka soo gaaray, Waxa uu sheegay in gantaallada laga hor-taagay

Afar maalin kaa hor ayaa qarax is  miidaamin ahaa waxaa uu ka dhacay Garoonka Diyaaraha ee Kabul, iyada oo ay jireen digniino ay bixiyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku saabsanaa in qarax lala damacsan yahay garoonka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post