618 Views

Ra’iisul wasaaraha Canada oo laga helay Xanuunka Covid-19

Ra’iisul wasaaraha Canada oo laga helay Xanuunka Covid-19
____________________________________________________________________________

Isniin: June 13, 2022

Raiisel wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa  sheegay in baaritaan lagu sameeyay ka dib laga helay xanuunka faafa ee Covid-19.

“Waxaa la iga helay xanuunka COVID-19. Waxaan raaci doonaa tilmaamaha caafimaadka dadweynaha, waana is karantiilay,”  ayuuTrudeau  ku soo qoray Twitter.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Xaaladeyda waa ay wanaagsan tahay, howlaheyga aan shacabka u hayana waan sii wadi doonaa”.

Ma ahan markii u horreysay uu Ra’iisul wasaaraha Canada, Trudeau uu ku dhaco xanuunka Covid-19, bishii janaayo ayaa laga helay cudurka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post