1017 Views

Dibad-bax ka dhan ah tallaabo uu qaaday Rooble oo ka dhacay Muqdisho

Dibad-bax ka dhan ah tallaabo uu qaaday Rooble oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

 


Axad: February 20, 2022

Beelaha Banaadiriga oo ka cabanaya faro-gelin ay sheegeen in lagu hayo kuraasta ay ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta banaan-bax ka dhigay magaalada Muqdisho.

Xubnihii warbaahinta kula hadlay halkii ay ka dhaceen isku soo baxyadaas waxay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn guddigii uu shalay ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay xal u helidda khilaafka ka jira doorashada kuraasta Banaadiriga.

Dalabkooda ugu weyn ayaa ah in loo madax-baneeyo doorashada shanta kursi oo ay ku leeyihiin golaha shacabka, iyagoo si gaar ah Ra’iisul wasaaraha uga codsaday inuu ka dhabeeyo balan-qaadkii uu u sameeyey.

Siyaasiga Luqmaan Cali Macow ayaa ka mid ah xubnihii hoggaaminayey banaan-bixii maanta, “Guddigii uu shalay magacaabay Rooble waxaan u aragnaa mid marin habaabin ah,” ayuu yiri Luqmaan.

Waxay ku celceliyeen in Ra’iisul Wasaare Rooble uu xaqooda ugu soo dhiciyo si Alle ka cabsi leh, isla markaana uu qolo kasta xaqeeda u madax-baneeyo, maadaama isaga loo igmaday hoggaaminta doorashada dalka.

“Nabsiga ka dheeraaw mudane R/Wasaare, hadkaani waa dhiban yihiin, hadaad aragteen dadkaan oo aan qori qaadan oo aan dad la dagaalamin, cabsi yaan loo maleyn, laakiin nin kasta markii uu wejiga ilaahey tago ayaa lala xisaabtamaya, waxaa laguu igmaday inaad hoggaamiso doorashooyinka dalka ee qolo kasta xaqeeda sii,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii la hadlay warbaahinta.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shalay guddi ka kooban 7-xubnood u magacabay xalinta cabashada reer Banaadiriga, kuwaas oo ka kooban 3 ka socota guddiga doorashada heer federaal, 3 kale oo ka socota guddiga doorashada kuraasta Banaadiriga iyo xubin ka socday xafiiskiisa.

Dadkii maanta banaan-baxa dhigay ayaa ku qeylinayey inay aad uga soo hor jeedaan guddigaas, isla markaana ay marin habaabin u arkaan tallaabaada uu qaaday Rooble, iyaga oo sheegay in xalka kaliya oo ay doonayaan uu yahay in loo madax-baneeyo kuraastooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post