897 Views

Maamulka G/Banaadir oo faah faahiyey rag ay Ciidanka toogteen

Maamulka G/Banaadir oo faah faahiyey rag ay Ciidanka toogteen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Maamulka Gobolka Banaadir oo faah faahin ka bixiyey is rasaaseyn Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan saaka ku dhex-marey Gudaha suuqaweyn ee Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Khaliifa.

 

Israsaaseyntaas ayaa waxaa ay sababtay dhimashada saddex ruux oo isugu jirey laba Rag ah oo hubeysnaa iyo qof Shacab ah,waxaana mas’uuliyiinta Maamulka gobolka ay sheegeen in ragga hubeysnaa  ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

 

 

 

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in ragga la toogtey ay ahaayeen kuwo ka tirsan Al-Shabaab oo falal amni darro ka geysanayay Suuqa Bakaaraha,isla markaana ay dagaal la galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay toogteen laba kamid ahaa raggii hubeysnaa halka israsaaseynta ku dhintey qof Shacab ah oo kamid ahaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha halka askari ka tirsan Ciidamada Booliska uu falkaasi ku dhaawacmey.

 

Ugu dambeyn Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan waxaa uu sheegay in ragga hubeysnaa ee Maanta Ciidanka toogteen ay ahaayeen kuwo falal amni darro horey Suuqa uga geystay laguna raad joogey.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment