1503 Views

Madaxweyne Joe Biden oo sheegay in dhamaadka bisha May la heli doono, tallaal ku filan dhammaan dadka Maraykanka COVID-19.

Madaxweyne Joe Biden  oo sheegay in  dhamaadka bisha May la heli doono, tallaal ku filan dhammaan dadka Maraykanka  COVID-19.
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadi shalay sheegay, in Mareykanka uu rajo ka qabo in wixi lagu gaaro dhamaadka bisha May la heli doono, tallaal ku filan dhammaan dadka qaan gaarka ah, si looga hortago cudurka COVID-19.

Ku dhawaaqista madaxweyne Biden ayaa ka dhigeysa, in laba bilood ay kasoo hormari doonto, rajadi marki hore la qabay oo aheyd in dhammaan dadka waaweyn ee Mareykanka ay heli doonaan tallaalka COVID-19 bartamaha xilliga xagaaga.

Biden ayaa sidoo kale sheegay inuu awoodihiisa xagga federaalka u isticmaali doono, sidii ay dhammaan gobollada Mareykanka ahmiyadda koowaad ee tallaalka ugu dari lahaayeen macallimiinta.

Shirkadaha Pfizer, Moderna iyo Johnson & Johnson ayaa si xowli ah u wada soo saarista iyo daabulista tallaalka Covid-19 ee gudaha Mareykanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post