1290 Views

Taliyaha Booliska Puntland oo ka hadlay goobaha isku qariyaan dadka dilalka ka gaysta Boosaaso

Taliyaha Booliska Puntland oo ka hadlay goobaha isku qariyaan dadka dilalka ka gaysta Boosaaso
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 13, 2019 –Kadib markii Ciidamada Booliska Puntland maalmahan magaalada Boosaaso ay ka wadeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena goobaha waxbarashada qaarkood lagu baaray, ayaa Taliyaha Booliska Puntland wuxuu ka hadlay arrintaasi.

Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse, Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay dadka dilalka gaysta inay wax ka bartaan Jaamacadaha, Macaahida iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada.

“Argagixisadu waxay gashay Jaamacadaha, waxay gashay macaahida, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya.”Ayuu raaciyay taliyuhu.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Puntland ayaa tilmaamay Ciidamada ammaanka inay ku guuleysten soo qabashada nin dil u gaystay shaqsi ganacsade ahaa oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment