426 Views

Ukraine oo magaalooyin cusub ka qabsatey Ruushka ku soo duuley

Ukraine oo magaalooyin cusub ka qabsatey Ruushka ku soo duuley
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 5, 2022

Dhamaadka todobaadka waxaa jiray warbixino ku saabsan guulaha Yukreeniyaan ee ka soo baxaya gobolada Ruushku qabsadey.

Ciidamada Ukraine waxay dib u qabsadeen magaalada Lyman ee gobolka Donetsk ee bariga Ukraine. Magaalada Lyman ayaa xudun u ahayd ciidamada Ruushka, waxayna dhacdaa xadka gobolka Luhansk oo uu Ruushka hadda maamulo.

-Tani waxay ka dhigan tahay in ciidamada Yukreeniyaanku bilaabeen inay galaan gobolka Luhansk kadib hal maalin markii Ruushku ku dhawaaqay in gobolkaas uu dalkiisa ku darsadey, ayuu yiri sarkaal la hadley warbaahinta DW, oo ah macalin istiraatijiyada milatariga oo ka tirsan jaamacadda difaaca ee Stockholm.

Maalintii Isniinta ayaa sidoo kale waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada Yukreeniyaan ay duulaan ku qaadeen webiga Dnipro ee gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine.

Halkaa waxay bilaabeen inay ka soo galaan waqooyiga waxayna bilaabeen inay dib u riixaan Ruushka, sida laga soo xigtay xog u muuqata mid lagu kalsoonaan karo, ayuu yiri sarkaalka la hadley DW.
Ruushka ayaa horey ugu hanjabey gobolada uu kala waregay Ukraine haddii la soo weeraro in uu ku difaaci doono Nukliyeer.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post