900 Views

Ciidamo ka Ruqaansaday Wisil oo Saakay aroor hore la Wareegay degmada Bacaadweyne

Ciidamo ka Ruqaansaday Wisil oo Saakay aroor hore la Wareegay degmada Bacaadweyne
____________________________________________________________________________

.

Talaado: july 6 2021

Wararka ka imaanaya saakay  Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Galmudug ay dib ula wareegeen degmada Bacaadweyne iyo tuulooyin hoosyimaad oo dhowaan Al-shabaab qabsatay.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka degaanka, ayaa sida wararku sheegayaan dib u qabsaday Bacaadweyne iyo tuulooyinka hoostada, halkaas oo todobaadyadii u dambeeyay Al-shabaab gacanta ku haysay.

Ciidamada ayaa xalay ka kala ruqaansaday degmada Wisil si ay jihooyin kala duwan uga weeraraan degaanada ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Saraakiisha hogaaminaysa gulufkaan dagaal ayaa laga soo xigtay in hor imaad kooban uu kacay degmada Bacaadweyne gudaheeda, isla markaana ay isaga baxeen ururka Al-shabaab.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post