1074 Views

Maxkamadeynta askar dil ka geysatay Dhuusamareeb oo bilaabatay

Maxkamadeynta askar dil ka geysatay Dhuusamareeb oo bilaabatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay u fariisatey Maxkamadeynta Saddex askari loo loo heysto dil 28-kii Bishii Maarso ee sanadkaan Magaalada dhuusamareeb loogu gesytay Shaafici Xaaji, Diiriye oo kamid ahaa Dhalinyarada Magaalada Dhuusamareeb.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Xasan Cali Nuur Shuuti iyo Saraakiil kale ayaa Maalin ka hor geerey Magaalada dhuusamareeb,waxaana askarta dilka loo heysto ay kamid ahaayeen ilaalada Senator Dhagey oo kamid ah xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

 

Dhegaysiga kiiska dacwada dilka la xiriirta ayaa waxaa goobjoog ka ah senator Dhagay oo ka mid aha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka,Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Ehelada askarta iyo Ninka la diley.

 

Guddoomiyaha Maxkamada derajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa la filayaa inuu maanta ku dhawaaqo xukunka lagu ridi doono saddexda Eedeysane ee loo haysto kiiska dilka ahaa ee marxuum Shaafici Xaaji Diiriye.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment