1092 Views

Qaramada Midoobay oo Imaaraatka Carabta ka dalbaday Latifa Al Maktoum, inay cadeeyaan Nolosheeda.

Qaramada Midoobay oo Imaaraatka Carabta ka dalbaday Latifa Al Maktoum, inay cadeeyaan Nolosheeda.
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Isutagga Imaaraatka Carabta inay keento caddeyn la taaban karo oo muujineya in Latifa Al Maktoum, oo ah gabadha uu dhalay amiirka Dubai ee la sheegay in lagu hayo xabsiga, ay nooshahay iyo in kale.

Bayaanka laga soo saaray magaalada Geneva ayaa waxay khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey ay dalbadeen in sida ugu “dhaqsiyaha bada” loo siidaayo Latifa.

Latifa ayaa isku dayday inay ka baxsato Dubai sanadkii 2018, Muuqaallo ay la wadaagtay BBC Panorama, ayay ku sheegtay in ciidamada kumaandooska ay daroogo siiyeen ka dib-na ay dib ugula celiyeen xabsiga.

Qaramada Midoobey ayaa imika dalbanaysa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo Latifa Al Maktoum, oo ah gabadha uu dhalay amiirka Dubai.

Qoyska boqortooyada Dubai ayaa horey u sheegay in Latifa ay nabad qabto oo “gurigeeda lagu xanaaneeyo”.

5tii Maarso, Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay wali ka sugeyso faahfaahin dheeraad ah Imaaraadka taasi oo ku saabsan in ay keenaan cadeymo muujinaya in ay nooshahay

Bayaankii Talaadadii, khubarada Qaramada Midoobay waxay mar kale ugu baaqeen dowladda Imaaraatka in “macluumaad macno leh” ay ka bixiso masiirka Latifa iyada oo “dib aan loo dhigin”

Waxay codsadeen “in si madax-bannaan loo xaqiijiyo xaaladaha ay ku xiran tahay, si deg deg ahna loo sii daayo”.

“Bayaanka ay soo saareen Imaaraatka ee tilmaamaya kaliya in gurigeeda lagu xannaaneynayo kuma filna marxaladdan,” ayaa lagu yiri .

Bayaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in imaaraadka laga doonayo in faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan gabadhaasi.

Muuqaal ay heshay BBC Panorama bishii Febraayo, Latifa waxay sheegtay in lagu hayo “guri villa ah oo loo beddelay xabsi” iyada oo aan helin wax gargaar caafimaad ah.

Latifa aabihee, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, waa mid kamid ah madaxda ugu taajirsan aduunka, waa waana amiirka Dubai iyo waliba rai’sul wasaara ku xigeenka imaaraadka.

“Lama ogola in aan gaari aan kaxeeyo, looma ogola in aan safro ama aan ka baxo Dubai gabi ahaanba,” ayay ku tiri muuqaal laga duubay waxyar ka hor inta aysan baxsan.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post