873 Views

Erdogan oo booqanaya Imaaraadka Carabta markii ugu horeysay muddo Sagaal sano ah

Erdogan oo booqanaya Imaaraadka Carabta markii ugu horeysay muddo Sagaal sano ah
____________________________________________________________________________


Isniin: February 14, 2022

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Abu Dhabi ee xarunta isutaga Imaaraadka Carabta.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal sugaha Abu Dhabi, ayaa aaday Turkiga bishii November;Labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo badan.

Booqashada Erdogan ayaa sidoo kale ah tallaabo cusub oo horumar u ah xiriirka labada dal ka dib sannado badan oo uu xiriirkooda aad u hooseeyay.

Madaxweyne Erdogan oo kasoo muuqday warbaahinta Imaaraatka Carabta ayaa booqashadiisa waxa uu ku tilmaamay in tahay “fursad dahabi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal”.

Booqashadan ayaa daba socota tillaabooyinka la qaaday sannadkii hore ee lagu xoojinayay xiriirka labada dal ka dib sagaal sano oo xiisad ah.

Intii lagu guda jiray booqashadii Al Nahyan ee sanadkii hore bishii Noofambar 24, waxaa la saxiixay heshiisyo maalgashi oo gaaraya $10 bilyan oo ah dhinacyada tamarta, , tignoolajiyada, gaadiidka, kaabayaasha, caafimaadka, adeegyada maaliyadeed, cuntada iyo beeraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post