606 Views

Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre oo ka hadlay geerida Marxuumad Fanaanada Khadra Daahir Cige

Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre oo ka hadlay  geerida Marxuumad Fanaanada  Khadra Daahir Cige
____________________________________________________________________________

Sabti: July 02, 2022

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa qoraal uu ka soo saaray geerida Marxuum Khadra Daahir wuxuu ku yiri

, “Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka.”

Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay.

Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post