1107 Views

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Dowladda Finland

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Dowladda Finland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 04 2019 —Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho wafdi Finland ah oo uu hoggaaminayay Mudane Pekka Haavisto, oo ah xubin Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Finland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen wafdi ka kooban afar xubnood oo ay ku jireen diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday Machadka Nabadda ee Yurub ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland u dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gobolka iyo dunida inteeda kale, iyo sidoo kale dib u heshiisiinta iyo tubta nabadda ee xal u helidda loolanka iyo khilaafka.

Wafdiga ka socda Finland ayaa horay waxa ay ula kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment